345 Views

17 xubnood oo ka tirsan Congress-ka oo ay ka mid yahay Ilhan Cumar oo la xiray

17  xubnood oo ka tirsan Congress-ka oo  ay ka mid yahay Ilhan Cumar oo la xiray
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 20, 2022

Toddobo iyo toban xubnood oo ka tirsan Congress-ka ayaa ka mid ahaa dad shaley oo Talaado aheyd la xiray intii lagu guda jiray bannaanbaxa xuquuqda haweenka ee taranka iyo qoyska ka dhigayey bannaanka Maxkamadda Sare, sida uu sheegay Booliiska Maraykanka.

Booliska ayaa sheegay in ay sameeyeen isku geyn 35 qof oo la soo qab qabtay, kuwaasi oo sameeyey is hortaag iyo dibad baxyo, waxana ku jira 17 xildhibaan oo ka tirsan Kongareesa Maraykanka

Dibad-baxayaashu waxay isa soo taageen waddada irida laga galo dhismaha Maxkamada Sare, iyagoo xiray waddada. Booliiska ayaa sheegay in ay soo saareen saddex digniinood ka hor inta aysan bilaabin xiritaanka.

Afhayeen u hadashay xildhibaanka Dimuqraadiga Ayanna Pressley ee laga soo doorto gobalka Massachusetts ayaa sidoo kale xaqiijisay in la xiray dhowr xubnood oo ka tirsan Kongareeska, waxayna sheegtay in Pressley ay ka mid tahay kuwa la xiray.

Agaasimaha isgaarsiinta Pressley Ricardo Sánchez ayaa sheegay in xarigeeda uu ahaa fal aan rabshad ahayn oo ay ku muujinayeen diidmada shacab ee ku aadan go’ aanka Maxkamada Sare dooneyso inay ku laalsho sharuucdii hore ee haweenka gaar ahaan xaquuqda ka hadlaya kuwa doonaya inay ilmaha iska soo ridaan.

Xildhibaan Katherine Clark, oo ah kaaliyaha afhayeenka Dimuqraadiga ee Aqalka, ayaa sidoo kale la xiray.

Dadka kale ee la xiray waxaa ka mid ah Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ilhan Cumar ayaa bayaan qoraal ah soo dhigtay bogga ay Twitter-ku leedahay ku sheegtay in la xiray “iyadoo ka qaybqaadaneysa ka ficil celinta go’aanka maxkamadda sarre, waxayna sheegtay in ay sii wadi doonto banaanbaxa ilaa iyo inta ay keenayso is bedel wax ku ool ah inta karaankeeda ah.

Wareysi ay Ilhan Cumar siisay wariye Esme Murphy oo ka tirsan idaacadda WCCO, ayeey ku sheegtay in la siiyay tigid ganaax ah oo dhan $50, sidoo kallena sawir laga qaaday iyada oo xabsiga ku jirta, laakiin aan faraha laga qaadin.

Xisbiga Dimuquraadiga ayaa si weyn uga soo horjeeda in wax laga bedalo sharuucdii hore ee Maraykanka ee taabanaya xaquuqda qofka, halka xisbiga Jamhuuriga oo soo magacaabay 6 kamid ah 9ka garsoore ee Maxkamada Sare doonayaan in dib loo qaado sharuucda ay kasoo horjeedaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post