834 Views

Weerrar Nin Hubeysan uu ku qaaday goob lagu Qaxweeyo waddanka Austria

Weerrar Nin Hubeysan uu ku qaaday goob lagu Qaxweeyo waddanka Austria
____________________________________________________________________________

Booliska waddanka Austria ayaa weli waxa uu baadigoobayaa ugu yaraan hal qof oo eedaysane ah kaddib markii dhowr toogasho ay ka dhacday bartamaha magaalada Vienna ee caasimadda waddankaasi.

Laba qof ayaa dhimatay 14 qof oo kalana waxaa lagu dabiibay isbitaalka kaddib markii dhowr nin oo boobayaal watay ay rasaas ku fureen lix goobood oo kala duwan.

Weerrarada ayaa waxa ay bilowdeen abaare 8-dii fiidnimo ee xalay kaddib markii nin aad u hubaysan uu rasaas ku furay dad bartamaha magaalada Vienna ku qaxwaynayay, gaar ahaan meesha loo yaqaan Bermuda Triangle.

Dad badan ayaa xilligaas marayay waddooyinka oo waxa ay ku raaxaysanayeen habeenkii ugu dambeeyay ee isu socodka uu furan yahay ka hor inta aanay bilaaban xayiraadaha la soo rogayo fayraska korona awadii.

Markii waaxda booliska ee WEGA ay goobta soo gaareen ayaa waxaa rasaas ay haleeshay hal askari oo boolis ah, ka hor inta uusan saaxiibkii toogan dambiilaha, kaas oo watay qori boobe ah, bastoolad iyo baangad.

Laba qof oo rayid ah ayaa illaa hadda la ogyahay inay dhinteen iyadoo in ka badan 10 qof la dhigay isbitaallo kala duwan oo ku yaal magaalada Vienna, dadkaas oo laga dabiibayo dhaawacyada ay rasaastu soo gaarsiisay.

Booliska ayaa waxa ay xalay bilaabeen olole ay ku baadigoobayaan ugu yaraan nin kale oo hubaysan.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Austria Karl Nehammer ayaa sheegay in dalkiisa ay u tahay maalintii ugu adkayd ee muddo sanada ah soo marta.

Weerrarkii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah oo dalkaasi ka dhacay ayaa waxaa la diiwaangeliyay 1985.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post