603 Views

Israel oo xirtay Safaaradii ay ku lahayd Dalka Ukrain.

Israel oo xirtay Safaaradii ay ku lahayd Dalka Ukrain.
____________________________________________________________________________


Talaado: February 1, 2022

Kanaalka Cibraaniga “13” ayaa sheegay in shaqaalaha safaaradda Israa’iil ee Ukraine ay go’aansadeen in ay xiraan ilaa ogeysiis dambe sababtoo ah waxay isku khilaafeen Wasaaradda Maaliyadda ee Israel, taas oo go’aansatay in la dhimo mushaharkooda.

Kanaalka ayaa sheegay in “Guddiga Shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ay xaqiijiyeen in khilaafaad u dhexeeya iyaga iyo Wasaaradda Maaliyadda Israel awgeed, in safaaradda Ukraine la xirayo ilaa amar dambe.”

Waxay ku nuuxnuuxsatay in go’aankan uu ka soo horjeedo go’aankii wasaaradda maaliyadda ee Israa’iil ay kaga jartay qaddar lacag ah oo laga jarayay hawlgabka shaqaalaha safaaradda Israa’iil ee Ukraine bisha soo socota.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post