1932 Views

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Madax ka tirsan dalka Ingiriiska

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Madax ka tirsan dalka Ingiriiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 18, 2018 —Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane,C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska kula kulmay madax ka tirsan Dowladda Britain.

Mudane, Beyle ayaa sheegay inuu halkaasi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Jeremy Hunt iyo Madax kale oo ka tirsan UK, iyagoo ka wada hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan Magaalada London kula kulmay Madaxda Dowladda Britain sida Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madax kale oo aan kala hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Dalkeena Soomaaliya”ayuu  yiri wasiirka Maaliyadda XFS.

Dhinaca kale Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa halkaasi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen caawinta iyo  horumarinta Dalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment