246 Views

Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Magacaabay Wasiirka Cusub Ee Warfaafinta Kadib Iscasilaadii Wasiir Ilyaas

Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Magacaabay Wasiirka Cusub Ee Warfaafinta Kadib Iscasilaadii Wasiir Ilyaas
____________________________________________________________________________

Axad: DECEMBER 25, 2022

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay xilka Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi.

C/fitaax Cali Yuusuf ayaa loo magacaabay xilkan kadib digreeto saqdii dhexe ee xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, waxaana la faray inuu si deg deg ah xilka ula wareego.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadub markii Wasiirkii Warfaafinta maamulka Koofur Galbeed Ilyaas Cali Nuur uu xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka madxwene Lafta-gareen.

Wasiir Ilyaas oo shir jaraa’id qabtay ayaa xil ka tagistiisa u sababeeyay weerarkii Jimcihii lagu qaaday guriga Wasiirkii Maaliyada Farageeti, wuxuuna tilmaamay inuu u dulqaadan waayay in la dulmiyo dadka uu ku metelo kursiga uu ku fadhiyo.

“Dhacdo aad u fool xun oo qof qalbigiisa ay islaamnimo ku jirto uusan qaada Karin ayaa Baydhaba ka dhacday, waxaa lagu dheelay dowladnimadii aan waqtiga badan u soo hurnay, maanta waxaan ogaansaday in wixii shalay Baydhaba ka dhacay dartood aan xilka uga tago,” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta K/Galbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post