813 Views

Madaxtooyada Soomaaliya oo digiin u dirtay Siyaasiyiinta Mucaaradka

Madaxtooyada Soomaaliya oo digiin u dirtay Siyaasiyiinta Mucaaradka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 02, 2021–la taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Cabdi Saciid Muuse ayaa uga digay Siyaasiyiinta mucaaradka ee xildoonka ah inay siyaasadeeyaan Arrimaha Ciidamada.

Isaga oo ka jawaabayay eedeeyn qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo ay kujiraan Midowga Musharixiinta u jeediyeen  Madaxweyne Farmaajo shirka ka socda garoowe ayuu sheegay in Ciidamada dowladda dhamaantood ay yihiin kuwo dalkaan u dhimanaya oo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa uu sheeugu baqay Siyaasiyiinta xildoonka ah ee rajada ka leh Villa Soomaliya inaysan siyaasadeen arrimaha Ciidamada, isaga oo sheegay in uuuga digayo inay siyaasadeeyaan Ciidamada.

“ Markii aan imaaneynay waxaa la dhahaayay Reer waayo, waa caadi dadka markii ay jago rabaan in la dhaho wa reer laakin yaa dhimanaayo waa ciidanka, marka dowladda Ciidamada xataa hadii ay ka yimaadaan Buuhoodle  ama jalalaqsi waan ku kalsoonahay ayuu yiri” la-taliye Cabdi Saciid Muuse.

Hadalka la taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Cabdi Saciid Muuse ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli inta badan Siyaasiyinta mucaaradka ay Madaxwyene farmaajo ku eedeeyeen in uu Arrimo siyaasadeed u adeegsaday ciidamada kuna weeraro dadka ka aragtida duwan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post