1470 Views

Meydadka 24 ruux oo laga soo saaray guriga nin horay uga tirsanaa booliska dalka El Salvador

Meydadka 24 ruux oo  laga soo saaray guriga nin horay uga tirsanaa booliska dalka El Salvador
____________________________________________________________________________

May 21 2021

Meydadka ugu yaraan 24 ruux ayaa laga soo saaray guriga nin horay uga tirsanaa booliska dalka El Salvador.

Qabuuraha la helay ayaa laga yaabaa inay ku jiraan meydadka gaaraya ilaa 40 – oo intooda badan loo maleynayo inay yihiin haween da’ dhexaad ah iyo gabdho yar yar, sida ay saraakiishu sheegeen.

Soo qufitaanka dhammaan meydadka ayaa qaadan kara muddo hal bil ah.

Booliska ayaa aaminsan in helitaanka meydadkan uu shaaca ka qaadayo sirta ka dambeysa dil qarsoodi ah oo socday muddo ka badan toban sano.

Waddanka Elsalvador wuxuu ka mid yahay dalalka qaaradda Latin Ameerika ee haweenka ugu badan lagu laayo. Dumarka ayaa loo dilaa sabab la xiriirta jinsigooda oo kaliya.

Hugo Ernesto Osorio Chávez, oo 51 jir ah ayaa bishan lagu xiray magaalada Chalchuapa kaddib markii lagu eedeeyay in uu dilay haweeney 57 jir ahayd iyo gabadheeda oo 25 jir ahayd.

Ninkan oo ahaan jiray askari ayaa marar hore lagu sameeyay baaritaanno la xiriira dambiyada jinsiga ku saleysan, wuxuuna qirtay inuu dilay labada haweenka ah.

Laakiin markii ay kooxda baaritaannada qotada dheer sameeya tageen gurigiisa oo qiyaastii 78km (48 meyl) u jira magaalada caasimadda ah ee San Salvador, waxay ka heleen ugu yaraan toddobo god oo ay ku jiraan meydad, kuwaasoo qaarkood laga yaabo in la aasay ilaa labo sano ka hor.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in helitaanka qabuurahan guriga ku qarsanaa uu caddeyn u yahay jiritaanka shabakad dilalka fulisa howl galeysay ugu yaraan toban sano.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa hadda wajahaya dacwado.

Dadka la tuhunsan yahay waxaa ku jira rag horay booliska uga tirsanaan jiray, kuwo ka tirsanaa militariga iyo shakhsiyaadka ka shaqeeya tahriibinta dadka, sida uu sheegay Mauricio Arriaza Chicas, oo ah agaasimaha booliska El Salvador, mar uu la hadlayay wargeyska La Prensa.

Wuxuu mas’uulkan sheegay inay suuragal tahay in Mr Osorio Chavez uu dadka leynayay muddo toban sano ah.

Wuxuu noo sheegay inuu dadka ka bartay baraha bulshada kaddibna uu raadiyay, wuxuuna ku sirayay inuu Mareykanka geynayo,” ayuu yidhi Mr Arriaza Chicas oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Associated Press.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in dadka la dilay ay ka mid noqon karaan gabdho aad u yar yar oo ay da’dooda isugu jirto sagaal, toddobo iyo ilaa labo sano, sida ay shaacisay AP.

Ma suurtagalin in lala xiriiro ninka eedeysanaha ah iyo qareenkiisa toona, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Tobannaan qof oo rumeysan in dad eheladooda ah ay ku jiraan meydadka la helay ayaa Khamiistii isugu yimid afaafka hore ee guriga qabuuraha laga helay. Waxaa la arkayay shaqaalaha baaritaanka oo iyagoo dhar cad cad wata soo saaraya haraadiga meydadka.

Dowladda El Salvador waxay sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya waddankaas lagu dilay 70 haween ah. Sanadkii 2019-kii waxay tirada dumarka ee dalkaas lagu dilay ahayd 111, sida lagu qeexay xogta booliska.

Tacaddiga ka dhanka ah haweneka Latin Ameerika, oo uu ka mid yahay dilka loo geysto, wuxuu kasii daray intii uu socday cudurka safmarka ah ee Covid-19, sida ay sheegeen kooxaha samafalka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in maalin walba 12 haween ah lagu dilo Latin Amrica.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post