1098 Views

Xubnihii ugu horeeyey ee Golaha deegaanka Diinsoor oo la doortey

Xubnihii ugu horeeyey ee Golaha deegaanka Diinsoor oo la doortey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 14, 2020—Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay waxaa Maanta sirasmi ah kaga bilaawday dhismaha Golaha deegaanka degmadaas,waxaana Maanta la doortay xubnihii ugu horeeyay.

 

Xubnaha Golaha deegaanka Degmada diinsoor ayaa waxaa ay noqonayaan 21-da Xubnood ,kuwaas oo 11 kamid ah la doortay kuwa kalena la dooran doono.

 

 

 

Dhismaha Golaha Deegaanka ee Diinsoor ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka & Dib’uhishiisiinta Soomaaliya.

 

Xubnaha golaha deegaanka degmada Diinsoor ayaa dhaarin kadib markii la soo dhameystiro waxaa ay guda geli doonaan doorashada Maamulka degmada diinsoor ee Gobolka Baay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment