435 Views

Masuul sare & Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

Masuul sare & Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhacay labo dhacdo oo mid ka mid ah uu ku dhintay Masuul lagu magacaabo Cilmi Cali Guuleed halka kan kalena lagu dilay Cirro Xaaji Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaasi.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee gobolka Mudug Cilmi Cali Guuleed, kaas oo uu weerarka kasoo gaaray dhaawac halis ah, kadib markii ay rasaastu madaxa ka haleeshay.

Ragga weerarka geystay oo goobta ka baxsaday ayaan la garan heybtooda, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilay Allaha u naxariistee Cirro Xaaji Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaasi.

Dilka marxuumka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo xilligaas howlgal ka waday xaafado ka tirsan waqooyiga Gaalkacyo, iyada oo la sheegay in rasaas ay fureen ay haleeshay wiilkaasi dhalinyarada ah oo si weyn looga garanayey halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post