621 Views

Madaxda sare ee dalka Nicaragua oo laga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka

Madaxda sare ee dalka Nicaragua oo laga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka
____________________________________________________________________________



Arbaco: November 17, 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ka mamnuucay madaxda sare ee dowladda Nicaragua inay soo galaan Mareykanka, waxaana tallaabadan uu Biden uga jawaabay doorashadi dhawaan uu ku guuleystay markiisii afraad madaxweyne Daniel Ortega.

Dowladda Mareykanka ayaa doorashadan ku tilmaantay mid lagu shubtay.

Xayiraada madaxweyne Biden ayaa saameyneysa dhammaan saraakiisha la doortay oo ay ku jiraan Ortega iyo xaaskiisa oo ah madaxweyne ku xigeenka waddanka, haweeneyda lagu magacaabo Rosario Murillo.

Dadka kale ee laga mamnuucay in ay Mareykanka soo galaan ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan ciidanka amniga, garsoorayaal iyo guddoomiyaal gobol, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wiiqeen dimoqraadiyadda dalka ku yaal bartamaha dalalka Ameerika.

Canada iyo Britian ayaa xayiraad tan la mid ah saaray saraakiil sare oo ka tirsan taliska Daniel Ortega ee dalka Nicaragua.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post