231 Views

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Talaado: DECEMBER 20, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya Mudane Magatte Guisse. Iyagoona ka wada hadlay xaalada Barakacayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu warbixiyay Mudane Magatte in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ugu badan ee kasoo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Gobolada dalka, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Bulshadiisa ay gacan ka geysteen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa, balse ay dadkaasi u baahan yihiin wax dhaafsiisan gargaar oo ah in xal waara loo helo.

UNHCR iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in Qorshe hortabineed oo wadajir ah ay ka yeeshaan sidii dib-u-dajin iyo shaqo abuur loogu sameen lahaa dadkaasi, isla markaana caruurtooda ay u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Caafimaad si ay ula mid noqdaan bulshada inteeda kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post