912 Views

Ciidamo ka amar qaata Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo joojiyay doorasho ka dhici laheyd Beledweyne

Ciidamo ka amar qaata Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo joojiyay doorasho ka dhici laheyd Beledweyne
____________________________________________________________________________

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo ka Amar qaato Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ay Maanta joojiyeen doorashada kursiga Hop004 oo ay guddiga Dorashadda Shegeen in maanta la Qaban lahaa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ay kala direen Ergadii dooran laheyd kursigaas, sidoo kalena ay xireen Albaabka hoolka doorashada oo ku yaalla qyeb kamid ah Xarunta lamagalaay ee Magaalada Beledweyne.

Kursiga Hop004 ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhiyay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) oo la sheegay in u tartamida kursigaan laga reebay, waxaana arrintaan ay ku lug leedahay khilaafka la xiriira doorashada ee u dhaxeeya Madaxweynaha hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen & kuxigeenkiisa  Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed).

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa xalay soo saaray amar lagu joojinayo Doorshada Baledweyne ka socta sababo uu ku sheegay Amni xumo kajirta Magaalada Beledweyne.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post