300 Views

Shacabka gudaha iyo dibadda dalka Iran dibadbaxyada ka dhigaya oo sheegay xaalku inuu iisu baddalayo kacdoon

Shacabka gudaha iyo dibadda dalka Iran dibadbaxyada ka dhigaya oo  sheegay xaalku inuu iisu baddalayo kacdoon
____________________________________________________________________________

Axad: September 25, 2022

Shacabka gudaha iyo dibadda dalka Iran dibadbaxyada ka dhigaya ayaa sheegay xaalku inuu iisu baddalayo kacdoon guud oo looga soo horjeedo nidaamka ka arrimiya dalkaasi.

Kaveh Abbasian oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha dibadbax ka socdo magaalada London oo BBC u warramay wuxuu sheegay dibadbaxyadu iney sii ballaadhanayaan dadka daafaha dunida ku noolna ay garab uga baahan yihiin.

“Xaalku wuxuu ku billowday xuquuq dumar oo la raadinayo iyo booliska u qaabilsan anshaxa sida ay dumarka ula dhaqmaan balse hadda xaaladdu sida ay ku socota markaan qiimeyno waxaad mooddaa xaalku inuu kacdoon guud iisu baddalayo maadaamaa ay shacabka Iran u baahan yihiin isbeddel guud oo dalkaasi ka dhaca,” ayuu yiri Kaveh Abbasian

Dibadbaxyada ka billowday dalka Iran ayaa ka dhashay marki ay dhimatay haweeney booliska gacantooda ku jirtay oo loo haystay xijaabka oo ay si aan munaasab ahayn u qaadatay.

Booliska dalka Iran waxay sheegeen tan iyo marki ay billawdeen mudaharaadyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Iran ay xireen dad gaaraya 700 oo qof oo ay ku jiraan 60 haween ah.

Dowladduna waxay sheegtay rabshadaha maalinti siddeedaad galay iney ku dhinteen ugu yaraan 35 qof.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post