1557 Views

Maxaa baajiyay Shirka IGAD ee looga hadli lahaa Xaaladaha Itoobiya & Suudaan

Maxaa baajiyay Shirka IGAD ee looga hadli lahaa Xaaladaha Itoobiya & Suudaan
____________________________________________________________________________

Magaalada Kampala Caasimadda Uganda waxaa maanta oo ah 15-ka November 2021 lagu waday in uu ka dhaco shir ay ku ballansanaayeen Madaxda Dalalka ku bahaabay Ururka Gobolkeedka IGAD si ay uga xaajoodaan Xaaladaha Itoobiya & Suudaan.
Waxyaabaha sababay Dib u dhaca si dhab ah uma shaacin Dowladda Uganda, Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Dalkaas Nindah Nabusayi ayaa sheegtay in uu dib u dhacay shirka balse ma xusin waqti kale oo madaxdu ay isugu imaanayaan.
Maxaa loo badinayaa baaqashada Shirkaan?
Baaqashada Shirka ayaa kusoo beegmay waqti xasaasi ah oo dhaqdhaqaaqyo xooggan ay wadaan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta & Xoghayaha arrimaha Dibadda Mareykanka Anthony Blinken oo u xusul duubaya xal u helista Xaaladda Itoobiya.
Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay baaqashada Shirkaan, inkasta oo Xukuumadda Addis Ababa aanay la dhacsaneen fadhigaan maadaama dhiggeeda Kampala ay si cad u sheegtay in ay taageereyso Xoogagga TPLF balse natiijada lasii saadaalinayay aanay mid wanaagsan u ahayn Abiy Ahmed.
Urur Goboleedka Dalalka dhaca Bariga Afrika ee IGAD waxaa ku bahoobay Dowladaha kala ah: Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Uganda, Suudaan & Koofurta Suudaan, shir Guddoonka ururkaan oo ay leedahay Jamhuuriyadda Jabuuti kama hadlin qabsoomidda & dib u dhaca shirkaan ku yimid.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post