993 Views

Akhirso:-Jubbaland oo ka jawaabtay Warkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Akhirso:-Jubbaland oo ka jawaabtay Warkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 07, 2019 —Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa jawaab ka bixiyay War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya taas oo looga hadlay habraaca doorashooyinka Jubbaland oo la doonayo inay Jubbaland u hoggaansanto.

Warka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ka koobnaa Shan qodob,iyada oo la farayay Maamulka Jubbaland inay raacaan habraaca Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee doorashada.

Hadaba Maamulka Jubbaland ayaa jawaab ka bixiyay War-Saxaafadeedkaas, iyaga oo sheegay in gebi ahaan ay kasoo horjeedaan warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay maalmihii dambe caadeysatay faragelinta ay ku sameyneyso , Dsatuurka, Maaliyadda Amniga Dowlad Goboleedyada gaar ahaan Jubbaland.

Jubbaland ayaa War-Saxaafadeedka ay soo saartay oo ka kooban Saddex qodob sidoo kale lagu sheegay in doorashada Jubbaland,  ha ahaadaan xulista Xubnaha Baarlamaanka, Doorashada Madaxweynaha , halka lagu qabanayo iyo Amniga intaba ay mas’uul ka tahay Jubbaland.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Maamulka Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment