1164 Views

-Wasiir Goodax Barre oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’adda UNICEF

-Wasiir Goodax Barre oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’adda UNICEF
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  04- 2019–Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa Magaalada muqdisho uu kulan kula qaatay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya  Werner.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada iyo qodobo kale sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada.

“Waxaan maanta kulan kula qaatay magaalada muqdisho wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya,mr Werner,waxaana ka wada hadalnay mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada ayuu yiri”Wasiir Goodax Barre.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka inay isla garteen sidii loo sii xoojin laheyn xariirka Wanaagsan ee ka dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda UNICEF.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment