495 Views

Raisal waare Rooble iyo Taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Yaasiin farey oo xalay kulmay

Raisal waare Rooble iyo Taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Yaasiin  farey oo xalay kulmay
____________________________________________________________________________

Talaado: April 12, 2022

Waxaa tan iyo xalay aad looga hadal hayay baraha bulshada sawiirada taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey iyo ra’iisal wasaaraha dowladda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Khilaaf ka dhashay kiiska Ikraan Tahaliil ayaa la aaminsanyahay in labada mas’uul uu ka dhxeeyay kaas oo cirka isku shareeray

Ikraan Tahaliil oo ahayd gabadh ka tirsan Hay’adda Sirdonka iyo Nabad Sugidda ee Soomaaliya( NISA) ayaa la sheegay inay dileen NISA.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilligaas soo saaray warqad uu shaqada uga joojiyay madaxii hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa si kumeelgaar ah xilkii uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo xilligaas ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post