909 Views

Guddoonka BFS iyo Madaxweynihii hore ee dalka oo Turkiga kasoo ambabaxay.

Guddoonka BFS iyo Madaxweynihii hore ee dalka oo Turkiga kasoo ambabaxay.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 15 2020–Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga waxaa barqonimadii maanta kasoo ambabaxay Guddoomiyaasha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waayihii dambe waxa ay xubnahaan ku sugnaayeen dalka Turkiga, waxaana saameyn taban ku yeeshay xannibaadda fayruska Corona, maadaama isu socodka diyaaradaha caalamka uu joogsaday.

Qorshaha waxa uu yahay in marka ay Muqdisho soo gaaraan Guddoonka Labada Aqal ee BFS ay dib u furaan kalfadhigooda oo dhawaan dib uga dhacay sabab la xiriirta Xildhibaannada iyo Guddoonka oo dalka ka maqan, kuna xayiran dalal kala duwan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mustaqbal u sheegay in Guddoonku ay u diyaar garoobayaan fadhiga dhammaadka bishaan ay ku hortagayaan Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka dalka.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in 27-ka bishaan Baarlamaanka ay hortagayaan Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka si ay ula wadaagaan Warbixinada la xiriirta doorashada dalka dhammaadka sanadkaan 2020/21-ka.

Xubno katirsan Guddiga Doorashooyinka ayaa dhawaan Mustaqbal u sheegay in Baarlamaanka ay u gudbinayaan macluumaadkii ay uruuriyeen tan iyo markii ay hortageen kalfadhigii xirmay bilo kahor.

Soomaaliya waxa qorshuhu yahay in ay ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah, Madaxda DFS ayaa ku adkeystay in dalka ay ka dhici karto doorasho dadweyne, inkasta oo la isweydiinayo duruufaha kala duwan ee ku hor gudban xiligaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment