168 Views

Deni oo mar kale loo doortay madaxweynaha Puntland

Deni oo mar kale loo doortay madaxweynaha Puntland
____________________________________________________________________________

GAROOWE — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta mar kale dib loogu doortay xilkaas kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Saciid Deni ayaa ku guuleystay wareeggii saddexaad ee doorashada oo uu helay 45 cod, halka Guuleed Saalax Barre, oo ahaa musharaxa ay isku soo hareen uu helay 21 cod.

Siciid Deni ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Puntland ee dib loo doorto, wuxuuna xilka hayn doonaa shan sano oo kale.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ugu hambelyeeyey dib u doorashada, isagoo u rajeeyey in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday.

“Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Dhinaca kale, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Puntland ayaa markii hore qorsheyneysay doorasho qof iyo cod ah, balse khilaafaad siyaasadeed kadib ayaa dib loogu laabtay habkii soo jireenka ahaa ee ku salaysnaa codbixinta Baarlamaanka ee ka 66-ka xildhibaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post