1836 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Shacabka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray Qoyskii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi oo ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Marxuumka in allaah uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa, waxaana uu guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi.

Sidoo kale Siihayaha Guddoomiyaha, Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Duurey oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada K/Galbeed ayaa dhawaanahaan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana xalay uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment