1464 Views

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay”Adda Dadka Naafada Ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay”Adda Dadka Naafada Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 13, 2018 —Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo manta kulan ku yeeshay Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay akhrinta 1-aad marsiiyey hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo ay golaha u soo gudbisay wasaardda Haweenka iyo xuquuqul insaanka.

Kulanka waxaa Shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ,waxa ay mudanayaashagolaha Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka DhismahaHay’adda Dadka Naafada ah, waxaana Xildhibaanada sharcigan muhiimada uu leeyahay iyo saameeynta maaliyadeed ee uu ku leeyahay miisaaniyada Dalka u faah faahisay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji, iyadoo golaha ka codsatay in sharcigan la ansixiyo.

Qaar ka mid Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda kadhiibtay hindise Sharciyeedka iyagoo qaarkood su’aalo hindise sharciyeedkan la xiriira weydiinayay Wasiirka Haweenka, waxaana Ma’uuliyiinta Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka jawaabeen su’aalaha ay xildhibaanada weydiinayeen.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad  oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Hindise sharciyeedkan lagu wareejiyay gudiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka si uu waajibaadkiisu uga guto , sidoo kalena xildhibaan walba oo sharcigan daneynaya uu gudiga kala shaqeyn karo maadaamaa uu u fasaxayo xeer hoosaadka golaha shacabka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment