540 Views

Wasiir Dubbe: “Agaasime Sharma’arke xaaladdiisu wey soo hagaageysaa”

Wasiir Dubbe: “Agaasime Sharma’arke xaaladdiisu wey soo hagaageysaa”
____________________________________________________________________________

Axad: January 30, 2022

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ku booqday Hoygiisa Istanbul Agaasimaha SNTV Sharma’arke Maxamed Warsame oo ka soo kabanaya dhaawac ka soo gaaray qaraxii lagu weeraray 20kii November ee sanadkii tegay, kaasi oo uu ku shahiiday Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicasiis Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa Agaasime Sharma’arke guddoonsiiyay dhaqaale ay uga sideen Dowladda oo loogu talagalay daaweyntiisa.

“Maanta waxa aan ku booqday hoygiisa Istanbul Agaasimaha SNTV Sharmarke Maxamed Warsame oo ka soo kabanaya dhaawicii qaraxii lagu weeraray 20kii November 2021. Waxan guddoonsiiyey dhaqaale aan ugu siday Dowladda oo aannu ugu talo galnay inta ka dhiman dawayntiisa.” Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa hadalkiisa ku daray “Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sabab u ahaa badbaadinta iyo dawaynta Agaasimaha, sidoo kale waxa si weyn iigala shaqeeyey badbaadinta Agaasimaha Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxman Al Cadaala, waxa iyaguna xusid mudan Xildhibaan Saabir, Kornayl Mustafe, Ambassador Jaamac Caydiid, Xildhibaanno iyo waxgarad kale oo iskaaya garab taagay markii weerarka nalagu soo qaaday”

Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe ayaa tilmaamay in xaaladda caafimaad ee Agaasime Sharma’arke ay hadda soo hagaagayso. “Agaasime Sharmarke hadda waa ladan yahay, isbitaalkiina wuu ka soo baxay, ducadiiniina waa la aqbalay. Booqashada maanta waxa igu weheliyey Wasiir Bashiir Goobbe, Agaasime Naasir, bahda Turkiga ee SNTV iyo HCTV, dhakhaatiir iyo dhalinyaro reer Istanbul ah”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post