1077 Views

Kumanaan muhaajiriin ah oo wali ku xayiran xuduudda Belarus iyo Poland

Kumanaan muhaajiriin ah oo wali ku xayiran xuduudda Belarus iyo Poland
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 17, 2021


Dad magangalyo doon ah oo ka yimid waddamo ku yaala bariga dhexe, ayaa ku xaniban xadka u dhexeeya  dalalka Belarus iyo Poland, kuwaa oo damacsan in ay halkaas ka sii gudbaan.

Kumanaan tahriibayaal ah oo u badan Ciraaqiyiin, ayaa wali ku xanibnaa xadka ay wadagaan Belarus iyo Poland,  iyadoo heerkulka habeenkii uu ka hooseeyo Eber.

Dadka magangala doonaka ah ee halkaas ku xayiran ayaa sheegay in ay haysato xaalad adag oo dhanka noolasha ah.

“Waan daalanahay waana xanuunsanahay,” ayuu yiri 28 jir Ciraaqi ah oo magaciisa ku soo gaabiyay Bakar, kaasi oo sheegay inuu ka yimid Al-Anbar.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda  Ciraaq ayaa ku dhawaaqay in berri oo Khamiis ah ay billaabayaan duulimaadyada dib loogu soo celinaayo dadka reer Ciraaq ee ku xayiran qeybo kamid ah xuduudda u dhexeeysa  dalalka Belarus iyo Poland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post