849 Views

Diyaarad sida Gurmad kala duwan oo Maanta imaaneysa Muqdisho

Diyaarad sida Gurmad kala duwan oo Maanta imaaneysa Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 13 2020–Maanta ayaa waxaa la filayaa in Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ay soo gaarto diyaarad sida deeq gargaar ah oo loogu tal galay la tacaalida Cudurka Coronavirus,taas oo uu soo diray amiirka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxammed bin Rashid Al Maktoum.

Deeqdaan oo isugu jirta mashiinada dadka neefta siiya (ventilators) oo ay u baahan yihiin dadka uu ku dhaco cudurka COVID-19, iyo agab kal Dawooyin ay kamid yihiin ayaa diyaarad sida waxaa la filayaa inay Maanta kasoo degto Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Deeqdaan Agabka ah ayaa waxaa ay kamid tahay gurmadka ee haya’dda qaxootiga adduunka ee UNHCR ee loogu talo dadka barakacayaasha iyo deeq Hay’adda Caafimaadaka Adduunka ee WHO uga ay kaga qeyb qaadaneyso dadaalada loogu jira la tacaalida COVID-19,waxaana deeqda Maanta imaaneysa Muqdisho ay dhan tahay 35 tan.

Madaxa Hay’adda UNHCR ee Imaaraadka Carabta Nadia Jbour ayaa sheegay in agabkaan caafimaad ay qeyb ka yihiin kuwa lagu caawin doono kumaan kamid ah dadka ka barakacay daadadka iyo fatahaadaha ka jira Soomaaliya iyo kuwo lagula tacaalayo COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Somaaliya mas’uuliyiin ka tirsan ayaa la filayaa inay agabkaan kala wareegaan dowladda Imaaraadka carabta oo markii labaad Muqdisho keeneysa deeq kala duwan,xilli dowladda Qatar oo kamid ah dowladdaha saaxiibada dhow la ah Dowladda Madaxweyne Farmaajo aysan weli gurmad soo gaarsiin Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment