303 Views

Dhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo lasoo Bandhigay

Dhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo lasoo Bandhigay
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Ciidamada booliiska degmada Wadajir oo sameeyay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ayaa gacanta kusoo dhigay dhallinyaro lagu eedeeyay in ay faraha kula jireen falal amniga degmada lidi ku ah.

Dhallinyaradn ay soo qabteen ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay in ay dhac u geesanayeen dadka shacabka ah, waxaa sidoo kale dhallinyaradan lagu eedeeyay in ay wax u dhimayeen amniga iyo xasiloonida degmada 

Maamulka dcegmada Wadajir ayaana sheegay in dhallinyaradan ahaayeen kuwa cabasho ka keeneen bulshada degmada, waxa ayna xuseen in laamaha amniga ku daba jireen kuwa kale oo iyana baxsad ah.

Dhallinyarada ciidamada amniga kasoo xireen degmada Wadajir oo sawiradooda iyo magacyadooda lasoo bandhigay ayaa la sheegay in looga gonleeyahay in lagu cabsi geliyo kuwa kale ee falalka nuucaan oo kala ah ku howlan.

Halkan ka Akhriso magacyada dhallinyaradan la xiray

1. Cabdulqaadir Cabdullaahi Maxamed (Shiikheey)

2. Maxamed Cali Cumar (Jinijini)

3. Cabdulqadir Saalax Mursal (Khaakhaa)

4. Xassan kaafi Cabdi Cali (Qoyste)

5. Muuse Maxamed Xasan ( Muusaay)

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post