819 Views

Garoonka kooxda kubda cagta Roma oo laga helay bambaanooyin aan qarxin oo looga tagay xiligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida.

Garoonka kooxda kubda cagta Roma oo  laga helay bambaanooyin aan qarxin oo looga tagay xiligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida.
____________________________________________________________________________

Garoonka tababarka kooxda kubda cagta Roma ee ka dhisay caasimada dalka Talyaaniga ayaa laga helay bambaanooyin aan wali qarxin oo halkaasi looga tagay xiligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida.

Ciyaartoyda kooxda kubada cagta ee Roma iyo shaqaalaha kale ee kooxdaasi ayaa cabsi xoogan lasoo daristay kadib markii garoonka tababarka qeybo kamid ah laga helay bambaanooyin badan oon  wali qarxin .

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa qaabilsan kahor taga qaraxyada ayaa loo yeeray in ay bambooyinka uga saaraan garoonka tababarka kooxda, waxaana booliiska ku guuleesteen in garoonka ka saaraan 20-bambo aan wali qarxin.

War kasoo baxay kooxda kubada cagta ee AS Roma ayaa loogu mahad celiyay ciidamada booliiska ee ku guuleestay in bambaanooyinka laga saaro garoonka, waxa ayna kooxda sheegtay in cabsi badan ku beertay bambaanooyinkan garoonka laga helay.

Meelo badan oo Yurub kuyaala ayaa marar badan laga helay bambaanooyin aan qarxin oo ka yimid dagaalkii labaad ee dunida, waxaana wali jira goobo ay ku aasan yihiin bambaanooyinkaasi oo aysan suurto galin in lasoo saaro.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post