1017 Views

Guddiga Doorashoyinka G/Woqooyi oo shaaciyay Jadwalka 7 kursi.

Guddiga Doorashoyinka G/Woqooyi oo shaaciyay Jadwalka 7 kursi.
____________________________________________________________________________

Sabti: February 12, 2022

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS.

Guddiga ayaa sheegay in Maanta oo taarikhdu tahay 12 Bish labaad la bilaabi Doono Diwaangelinta Ergada, tabobaridda,  qabashada Codsiyada iyo xaqiijinta Shuruudaha Musharaxiinta, ayna socon doonto ilaa 15-ka Bisha.

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Labada aqal Ee Somaliland ayaa sidoo shaaciyay in Kuraasta Tirsigoodu yahay 1-HOP#212. 2 HOP#207 3-HOP#246.  4-HOP#258. 5-HOP#259. 6-HOP#243 7-HOP#258 ay Doorashadoodu dhici doonto 16  Bisha 02-2022.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post