819 Views

Maxamed Xuseen Rooble oo goor dhawayd gaaray magaalada Jowhar

Maxamed Xuseen Rooble oo goor dhawayd  gaaray magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

.

3 June 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Somaliya  Maxamed Xuseen Rooble uu goor dhawayd  magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ku wehlinayo socdaalkiisa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, warfaafinta, gargaarka iyo musiibooyinka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah wafdigan mas’uuliyiin ka socda hay’adaha samafalka iyo kuwa gargaarka ee Qaramada Midoobay, isla-markaana fadhigoodu yahay Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisal wasaare Rooble ayaa u kuur-gali doono xaaladda magaalada oo muddooyinkii dambe ku jirtay go’doon ka dhashay daadadka fatahaada wabiga Shabelle.

about:blank Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay wajaheyso xaalad adag, kadib markii bartanka bishii May ku fatahay Wabiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post