879 Views

Hey’adda Xuquuqul Insaanka Itoobiya oo sheegtay in dalkaasi lagu diley dad fara badan

Hey’adda Xuquuqul Insaanka Itoobiya oo sheegtay in dalkaasi lagu diley dad fara badan
____________________________________________________________________________

Sabti: November 13, 2021

Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee ay dowladda Itoobiya magacawdey, ayaa sheegtay in dagaal yahanada Tigreegu ay tobannaan qof oo rayid ah ku dileen gobolka ay deriska yihiin ee Axmaarada.

Waxey sheegtay in uggu yaraan boqol iyo sideetan iyo afar qof la diley, kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyey iney xog-ogaal ahaayeen ama ay gacan siiyeen ciidamada federaalka dowladda Itoobiya.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in dagaal yahanadu ay si aan kala sooc laheyn u duqeeyeen goobo kamid ah magaalooyinka.

Dagaal culus ayaa ismaamulka Amxaarada ka dhacey bilihii July iyo August ee ina dhaafey, markaasoo ay Tigreegu duulaan ku qaadeen.

Jabhadda Xoreynta Tigreega, ayaa beenisay eedeymo hore oo ahaa xadgudubyo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post