3117 Views

Taliska Ciidamada Booliska Soomaliya ayaa ka hadlay Cabashodii Xildhibaan Muna Key

Taliska Ciidamada Booliska Soomaliya ayaa ka hadlay Cabashodii Xildhibaan Muna Key
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2019 – Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Korneyl Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Eedaysane Maryan Khaliif Abuu oo dhawac u gaysatey Xildhibaan Luul Cabdi Adaan oo katirsan Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay in aysan wax u jirin sida ay sheegtay Muna Kay, balse xildhibaanad Muna Khaliif Sheekh Abuu (Muna Key) iyo walaasheed oo weerarayr ah ku qaaday xildhibaanad Luul Cabdi Adan oo xilligaasi ku sugneyd barxadda baabuurta la dhigto ee xarunta Baarlamaanka.

Muno Key Walaasheed waxay wejiga ka dhaawacday xildhibaannad Luul Cabdi oo ay kala dhacday Kabo iyo walxo lagu sheegay Mindi, waxaana dagaalka ka qeyb qaadatay Muno Kay oo markii danbe ku dooday inay  iyadu kala celineysay xildhibaannada iyo walaasheed.

Taliyaha ayaa sheegay in Muna Kay walaasheed la xiray, kadibna markii damiin lagu sii daayey ay isku dayday in ay baxsato oo garoonka ka dhoofto, kadibna lasoo qabto.

Sawirada hoos ka muquda waxay muujinayaan dhibka la gaarsiiyey xildhibaan Luul. Sidoo kale hoos ka daawo afhayeenka booliska oo arrintan ka hadlaya.

Warar qaar ayaa sheegaya in arrimo shaqsi ah iyo kuwo haween uu salka ku hayey khilaafka u dhaxeeyay labada xildhibaan ee Muno Key iyo Luul Cabdi, intii aysan Muno adeegsan walaasheed oo dagaalka ku qaadin.

Muddo kadib waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallo ay soo duubtay xildhibaan Muno Key oo arrintii dhacday ka dhigtay mid siyaasadeed, isla markaana sabab uga dhigtay in loo heyso codkii loo qaaday xeerka Bankiga Dhexe, iyadoo dad badan u heshay qeylo dhaanteeda, halka dhibane xildhibaan Luul Cabdi Axmed aan warkeeda la maqlin.

Ciidamada Booliska ayaa hadda gacanta ku haya kiiska, iyadoo baaritaan lagu hayo, waxaana laga yaabaa in Muno Key dacwad lagu soo oogo, iyadoo xilliga dagaalka dhacay ay goobjoogayaal goobta ku sugnaayeen.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment