345 Views

Sheekh Suldaan “Hay’adda NISA markii hore ayey dayacday amnigii Madaxda DFS iyo kii shacabka haatana waxay ugu sii dartay cabsi gelin

Sheekh Suldaan “Hay’adda NISA markii hore ayey dayacday amnigii Madaxda DFS iyo kii shacabka haatana waxay ugu sii dartay cabsi gelin
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 6, 2022

Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane oo ka mid ah culimada iyo wax garadka Puntland oo ka hadlay warkii ka soo baxay hay’adda NISA, isagoo ku tilmamay taasi mid nasiib daro ah, maadama mas’uuliyadii loo igmaday hay’daasi ay dayacday.

Sheekh Suldaan ayaa sheegay in hay’adda NISA ay ujeed gooni ah ka leedahay hadalkasi, isagoo xusay in hay’adda ay isku badashay sida warbaahintii.

Ugu dambeyn, Sheekh suldaan wuxuu tilmamay in hay’adda NISA looga baahnaa inay bulshada la wadaagto iyadoo haysa jawaabta hadalkii ay sheegtay, isagoo sheegay in hay’adda NISA ay dayacday Amnigii guud ee madaxdii dalka iyo kii shacabka islamarkaana loogu sii daray cabsi gelinta ay sameysay hay’adda NISA.

Tan iyo markii hay’adda NISA ay soo saartay qoraal ay kaga hadleyyso in madxweynaha iyo Raysul Wasaraha uu amnigooda Qatar ku jiro islamarkaana uu jiro shaqsi lagu magacaabo Maxamed Maahir uu isku qarxin rabo, inkastoo Ururka Al-shabaab ay warkaasi kasoo baxay hay’adda NISA, balse Hay’addaasi ayaa Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Bulshada Soomaaliyeed kala kulmeysa dhaleeceyn kale duwan oo ku aadan hadalka kqsoo yeeray.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post