939 Views

Madaxtooyada Somaliya oo markii ugu horeysay ka hadashay shirka Afisyoone uga socda madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada

Madaxtooyada Somaliya oo  markii ugu horeysay ka hadashay  shirka  Afisyoone uga socda madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada
____________________________________________________________________________

April 06, 2021

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey shirarka Afisyoone uga socda madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo illaa hadda aan wax natiijo ah laga gaarin.

Shirarkaas oo teendhada Afisyoone oo ku taalla gudaha xerada Xalane ka dhacay 3-dii iyo 4-tii bishan ayaa laga nastay Isniintii shalay, balse Talaadada maanta ayaa lagu wadaa in dib loo sii amba qaado oo madaxdu ay isugu tagaan goobta shirka.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo la hadlay BBC ayaa xaqiijiyey in Talaadada berri ay madaxdu u balansan yihiin shir ka dhacaya Afisyoone.

“Kulamadaan ay labadii cisho ee u dambeeysay madaxdu yeelanayeen weli waa socdaan, laguma kala tegin, mana burburin, berri madaxdu waxay u balansanyihiin inay kulmaan oo horay u sii wadaan wadahadaladoodii hor dhaca u ah shirka wadatashiga Qaran,” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.

Afhayeenka ayaa dhinacyada ka dalbaday in wax shuruud ah aan lagu xirin fulinta heshiiskii 17-kii September ay madaxdu kala saxiixdeen, si dalka loogu jaheeyo doorasho heshiis lagu yahay.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post