993 Views

Soomaali lagu dilay dagaal dhex-maray Canfarta & Dad xoolo dhaqato ah

Soomaali lagu dilay dagaal dhex-maray Canfarta & Dad xoolo dhaqato ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 2021–Degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhx-maray Ciidamada Canfarta & maleeshiyaad la socda &  Soomaali xoolo dhaqato ah.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaannada kala ah, Ceydal iyo Aleelo oo ka tirsan gobolka City, kadib markii Ciidamada Canfarta & maleeshiyad la socda ay weerareen degaannadaas.

Diiriye Maxamed oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka degaannadaas ayaa sheegay in dagaalka dhex-maray Ciidamada Canfarta & Xoolo dhaqatada Soomaalida ah ay ku geeriyoodeen 6 qof 13 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood Soomaali ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dagaalkooda uu salka ku haayo laba arrimood oo kala ah dhul daaqsimeed ku yaal labada degaan iyo arrimo siyaasadeed oo ay ku doonayaan Canfarta inay dhul ballaarsi ku sameystaan.

Ugu dambeyn Nabadoon Diiriye Maxamed waxaa uu sheegay in aysan jirin waan waan lagu dhex dhexaadinay labada dhinac ee dagalamay, marka laga reebo dadaalo aan buurneyn oo ay wadaan Maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalada dhex-mara Soomaalida iyo canfarta ayaa kusoo batay Degaano badan oo ka tirsan Gobolka City ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana dagaaladaas dadka ugu badan ee ku dhinta ay yihiin Soomaalida ku nool halkaas.

Dhowr jeer ooh ore ayaa waxaa jiray shirar dib u heshiisiin ah oo loo qabtay dhinacyada dagaalamay, hayeeshee ay fashilmeen kadib markii Ciidamada canfarta iyo maleeshiyaad la socda ay weerareen degaano ay ku sugnaayeen Xoolo dhaqato Soomaali ah.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post