1515 Views

Xilliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Gudiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

Xilliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Gudiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 04, 2021 —War qoraal ah oo ay soo saareen Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa waxaa lagu shaaciyay Xilliga la dooranayo guddoonka guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Qoraalka oo ku socday guddoonka guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada Guddoonka ay dhici doonto 7 bishan oo ku beegan maalinta Sabtiga ah ee todobaadka soo socda.

“ Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu ku war galinayaa 11 xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland in doorashada Guddoonka Guddiga Soomaaaliland la qaban doono- Maalinka: Sabti, 7da Agoosto 2021 Goobta: Xerada Afisyooni. Si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay, si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda jadwalka doorashada. Waxaa mar labaad dhammaan xubnaha guddiga la farayaa in doorashada Guddoonka Guddiga Soomaaliland lagu dhameystiro waqtiga kor ku xusan ayaa lagu yiri” Qoraalka Gudiga.

Horay Guddiga  doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa waxaa, iyaga oo laba garab ah ay kala doorteen labada Guddoon kadib khilaf soo kala dhex-galay, hayeeshee doorashadaas uu baabi’yay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post