792 Views

Mareykanka iyo Turkiga oo wadahadal ka yeelanaya Amniga Garoonka Magaalada Kabul.

Mareykanka iyo Turkiga oo  wadahadal ka yeelanaya Amniga Garoonka Magaalada Kabul.
____________________________________________________________________________

isniin: September 20, 2021

Hoggaamiyaasha Mareykanka iyo Turkiga ayaa wadahadalo muhiim ah ka yeelanaya arinta wadanka Afghanistaan, si gaar ah Amniga Garoonka Magaalada Kabul.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka mid tahay waxyaabaha ay madaxdaani ka wadahadli doonaan hubka Dowlada Turkiga ay  ka soo iibsatay Ruushka, kaasi oo sumadiisu ay tahay S-400.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa Sanadihii dambe waxaa u dhexeeyey Khilaaf la xiriira dhinaca hubka iyo sida Turkiga uu ula macaamilayo Ruushka.

Xoghayaha Arimaha dibada Washinton Atoniyo Bilinken ayaa waxaa uu sheegay in Turkiga uu ugu baaqayo si deg deg ah xal looga gaaro kala aragti duwanaanta u dhexeeya labada dhinac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post