612 Views

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir deg deg ah isugu yeeray baarlamaanka..

Guddoomiyaha golaha shacabka oo  shir deg deg ah isugu yeeray baarlamaanka..
____________________________________________________________________________


khamiis: September 9, 2021

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ‘shir deg deg ah isugu yeeray’ xildhibaanada baarlamaanka ee uu muddo xileedkoodu dhamaaday, sida uu shaaca ka qaaday xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo haatan ku sugan magaallo xeebeedka Kismaayo.

Xildhibaan Idiris oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa tilmaamay in guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu farriimo u diray xubnaha golaha, isla-markaana uu ugu yeeray kulan deg deg ah oo uu albaabada u xiran yahay.

“Waxaan arkaayey farriimo uu guddoomiyaha baarlamaanka uu soo diray uu ku leeyahay shir deg-deg ah oo albaabada u xiran yahay ayaa baarlamaanka iskuugu wacay,” ayuu yiri.

Idiris ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in haatan Mursal uu shir isugu yeero baarlamaankii 10-aad, iyada oo kii 11-aad laga soo doortay 29 Senatar, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan jirin fowdo ka weyn oo dalka la gelin karo, marka la eego tallaabada uu qaadayo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed.

“Waa nasiib darro aad u weyn in guddoomiyihii golaha shacabka hadda baarlamaankii 10-aad uu iskuugu yeero, baarlamaankii 11-aadna 29 senator ay dooran yihiin oo ay bannaanka joogaan marka taa fowda ka weyn oo dalka la gelin karo ma jirto,” ayuu raaciyey.

Ma shaacin xildhibaanku waxyaabaha looga hadlayo kulanka uu sheegay in baarlamaanka uu isugu yeeray Mursal, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto xiisad xoogan.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, waxaana labada xafiis ay haatan qaadayaan tallaabo uu midba mid kale ku weerarayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post