777 Views

Ciidamo lamaga baxay ATMIS oo lagu Badalaayo Ciidamada AMISOM

Ciidamo lamaga baxay ATMIS oo lagu Badalaayo Ciidamada AMISOM
____________________________________________________________________________

Isniin: January 24, 2022

Ciidamo Midowga Afrika ah oo loo bixiyay ATMIS ayaa mas’uuliyadda kala wareegaya ciidamada AMISOM oo sanadihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Soomaaliya, iyagoo heysta muddo labo sano ah oo ay mas’uuliyadaha ammaanka ku wareejinayaan ciidamada Soomaaliya, sida ay isku raaceen Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Heshiis ay gaareen labada dhinac kadib wada hadalladii 7-dii January sanadkii hore, AMISOM ayaa waxaa mas’uuliyadda kala wareegi doona Howlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Ciidamadan cusub, oo ay labada dhinac isku raaceen, ayaa u shaqeyn doona sida AMISOM, balse waxay heystaan muddo cayiman oo ay mas’uuliyadda ammaanka ugu wareejin doonaan ciidamada Soomaaliya marka la gaaro December 2023.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post