537 Views

Maamulka Gobolka Banaadir: Banaanbax aynaan ogeyn ma dhici karo

Maamulka Gobolka Banaadir: Banaanbax aynaan ogeyn ma dhici karo
____________________________________________________________________________


Talaado: January 11, 2022

Maamulka gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho aysan ka dhici karin dibadbaxyo uusan maamulka ka war heyn.

“Duqa Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan Magaalada Muqdisho aysan xamili karin culeesyo hor leh iyadoona aan la aqbali doonin in Caasimadda ay ka dhacaan Banaanbaxyo uusan la socon Maamulka Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay maamulka.

Maamulka Banaadir ayaa shacbaka ka codsaday inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga caasimadda.

Arrintani ayaa ka dambeysay markii Muqdisho lagu qabtay shir looga arrinsanayo amniga caasimadda oo ay ku sugnaayeen madaxda degmooyinka Banaadir iyo saraakiisha amniga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post