738 Views

Raysul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo iska casilaya xilka raysul wasaaraha Ingiriiska

Raysul wasaaraha Ingiriiska  Boris Johnson oo iska casilaya xilka raysul wasaaraha Ingiriiska
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 7, 2022

Raysul wasaaraha Ingiriiska ayaa lagu wadaa in uu maanta gelinka dambe ku dhawaaqo qorshihiisa iscasilaadda, inkastoo uu xilka raysul wasaaraha sii heyn doono ilaa deyrta sanadkan. Wuxuu sidoo klae iska casilayaa xilka hoggaamiyaha xisbiga Konserfatifka.

Afhayeen u hadlay Aqalka Lambar 10 ee looga arrimiyo Ingiriiska ayaa yiri: “Raysul Wasaaruhu wuxuu maanta dalka siin doonaa warbixin.”

Johnson wuxuu la hadlay Sir Graham Brady, oo ahaa guddoomiyaha guddiga Konserfatifka 1922, si uu ugu sheego go’aankiisa, sida ay shegeen ilo ku dhow dhow xafiiskiisa.

“Raysul wasaaraha ayaa la hadlay Graham Brady, waxaana ay isku raaceen inuu xilka banneeyo, ayna tahay markii hoggaamiye cusub uu imaan lahaa,” ayay ilo-wareedka ku daraysaa.

Tan iyo waaberigii maanta waxaa sii kordhay cadaadiska lagu saarayo inuu Johnson banneeyo xafiiska raysul wasaaraha. Waxaa 24 saac gudahood isugu xigxigsaday tiro is-casilaad ah.

Xoghayihii Waqooyiga Ireland Brandon Lewis ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee subaxnimadii iscasila, isagoo sheegay in arrimuhu ay dhaafeen heer wax laga qaban karo.

Xoghayaha cusub ee waxbarashada Michelle Donelan ayaa sidoo kale iscasishay. Waxay sheegtay inay “ka codsatay” raysul wasaaraha inuu iscasilo.

Wax ka yar nus saac kaddib, waxaa soo baxay warka sheegaya in Johnson uu aqbalay inuu iscasilo.

Tartan loo galayo hoggaanka Konserfatifka ayaa dhici doona xagaagan, waxaana imaan doona raysul wasaare cusub marka uu qabsoomo shirweynaha xisbiga bisha Oktoobar ee sanadkan.

Boris Johnson wuxuu noqday raysul wasaare bishii Luulyo 2019, kaddib markii uu ku guulaystay tartan hoggaamineed oo adag. Wuxuu guul taariikhi ah ka soo hoyay doorasho guud shan bil xilligaas kaddib.

Wuxuu ku guuleystey doorashadii isagoo ballan-qaaday ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub “Brexit”. Laakiin dowladdiisa waxay la kulantay dhacdooyin dhaliyay muranno isdabajoog ah bilihii la soo dhaafay., ugu yaraan baaritaan booliisku ku sameeyay xisbiyada Downing Street inta lagu gudajiro xiritaanka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post