231 Views

Abshir Bukhaari: Itoobiya maaha walaalaheen waa codow soo jireen ah

Abshir Bukhaari: Itoobiya maaha walaalaheen waa codow soo jireen ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo maanta ka qayb-galay dibadbaxii ka dhacay Muqdisho ayaa si adag uga hadlay heshiiska badda ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Abshur Bukhaari ayaa weerar culus ku qaaday Itoobiya oo soo damaacisay badda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay waligeyd ahayd cadowga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan u saara galaneynin damaceeda ku aadan la wareegitaanta qayb kamid ah badda Soomaaliyeed.

“Soomaalidu waa inay ogaataa Itoobiya waa cadow gun ah, Itoobiya waa walaalaheen  been waayay waxay dhiseysaa guri aan dhismeynin” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaaliyeed looga baahan yihiin inay u diyaar garoobaan difaaca qaranimadooda.

“Laga bilaabo maanta maanta waxaa nahay askarta kaydka ah, waa inaan u diyaar garownaa difaaca dhulkeenna iyo baddeenna” ayuu mar kale yiri wasiir dowluhu.

Dhinaca kale dadkii ka qayb-galay dibad-baxa maanta oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhacay Muqdisho ayaa si toos ah farriin ugu diray ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

“Qof walba oo maanta halkan taagan waxay u joogtaa inay kuugu imaato Itoobiya, ma kuugu sugeyno Salac, Soomaaliya hanoolaato” ayay iyaduna tiri Haboon oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta ka qayb-galay dibadbaxa ka dhacay Muqdisho.

Waa dibad-bixii labaad oo ka dhaca Muqdisho, loogana soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku aadan badda Saylac ee ay u saxiixday Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post