3852 Views

Habka Shacabka loogu kiciyo Dowladda !

Habka Shacabka loogu kiciyo Dowladda !
____________________________________________________________________________
Toronto | 25 September 2018 | QOL | Waxaa jirtay waqtigii ururadii dowladii kacaanka ku kacsanaa ay la dagaalamayeen dowladdii kacaanka inay dagaalo badan ka socdeen Gobollada Waqooyiga & Gobollada dhexe ee Soomaaliya iyadoo Xukuumaddii kacaanku awoodeedu ku ekaatay keliya Magaalada Muqdisho.
 
Bartamihii sanadkii 1990 waxaa ka biloowday magaalada Muqdisho in kooxo Jabhadihii ku kacsanaa taliskii Kacaanka bilaabeen inay kiciyaan dadkii magaalada Muqdisho iyagoo gudaha u soo galay Magaalada, waxaa biloowday dil loo gaysanayo dhalintii waxbaratay ee ka soo jeeday beesha Hawiye iyadoo habeen walba la dili jiray rag dhalinyaro ah, laakiin qolaba si u sheegi jirtay Cidda dilka gaysata, qolo waxay ku doodi jirtay inay tahay Dowladda rag ka tirsan, qolo kalena waxay aaminsanaayeen inay yihiin rag ka tirsanaa Jabhadihii oo doonayay inay shacabka Muqdisho kiciyaan.
somali-civil-war-703261db-ef47-4873-9b21-8c95a567e66-resize-750
 
Habeen habeennada ka mid ah anigoo ku daahay sheeko asxaabtayda Xaafaddii Waaberi ayaa goor ay tahay 2dii habeennimo ama 8 Saac ku dhawaad waxaan ka soo tegay goobtaa aan kula sheekeeysanaynay dhalinyaro aan Jaamacaddii Gahayr ka wada baxnay.
 
Markaan ka soo dhaqaaqaynay goobtaa waxaan ka sheekeeysanaynay dilalkaa qorshaysan ee ka socda Magaalada Muqdisho iyagoo dhalinyaradaas reer Waaberi nagu yiraahdeen bal is ilaaliya, anigoo u socday Xaafadii aan deganaa ee H/Wadaag(Bakaaraha) & Saaxiibkeey AUN oo isaguna deganaa xoogaa dhanka Baar Ubax oo aan isa soo raacnay.
 
Waxaan soo istaagnay Isgooyska dabka halkaasoo aan xoogaa yar taagnayn si aan u sugno gawaaridii Caasiga la dhihi jiray, markaan muddo yar taagnayn anagoo ku dhex jirnay xoogaa yar oo dad ah, ayaan go’aansanay inaan iska sii lugeeyno si aan gacanta ugu taagano hadii uu naga daba yimaado.
 
Markaan soo gaarnay la sinaadka iskuulkii Dhagaxtuur ayaan waxaan maqalnay gaari xoog u soo socda oo Xaajiyo laba shireey ah oo cad oo nagu soo socda kedib waxaan biloownay inaan jid cadihii noogu dhawaa ku cararno, islamarkiiba waxaan maqalnay waa kuwaas Mustaf & AUN magacii saaxiibkeey iyagoo ku qaylinaya, waayo jawiga ayaa deganaa, waxaan hubaa inay ahaayeen rag na yaqaanay 100% aniga & Saaxiibkeey haybteena.
 
Waxaan Xusuustaa anigoo naxay inuu saaxiibkeey igu yiri ” Mustafoow caawa waa nala haayaa” anagoo maqlayna qori la cabeeynaayo, walaahi inaan been sheegeeyninine intaan ordi karno ayaan intaan orodnay anagoo marwalba jidba jidkuu ka ciriirisan yahay geleeyna islamarkaana maqlayna “waa ku waas” ayaa waxaa noo muuqday 3 dhalinyaro ah oo guri irid banaan ah hor fadhiya islamarkiiba intaa ku soo dhawaanay ayaa Saaxiibkeey(AUN) oo gartay guriga ku dhawaaqay magacii wiil uu yaqaanay oo guriga deganaa “war gudaha na geliya rag ayaa na daba joogee”.
 
Islamarkiiba gurigii ayaan galnay, Nalkiina la demiyay, waxaan maqalnaa iyagoo is weeydiinaya ” Aaway halkeey ka bexeen” anagoo gudaha ka maqlayna.
 
Waxaan ka quusanay inaan guriga ka baxno, iyadoo aan maqlaynay dhowr jeer gaariga oo marba dhinac u socda agagaarka guriga ilaa ugu danbeeyntii uu waagu noogu baryo gurigii.
 
Danta laga lahaa waxay ahayd keliya in lagu sheekeeysto maalintaa ” Laba wiil oo reer hebel ah oo reerka Magaalada ah islmarkaana jaamaciyiin ah ayaa la dilay xalay & war dhalinyaradeenii waa la laayay” ee dan kama lahayn nafteena Siyaasadda ay ka wateen ayaa u dan ahayd.
 
Hadda waxaa ii muuqda sheekada socota iyadoo la casriyeeyay inay ka soo bilaabatay Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka ku jira & Madax Maamul Goboleedyo oo u muujinaya qaab sharciyeeysan huuhaa been ahna ku doodaya, kedibna hoos loo soo dejin rabo dilal dadku ka xumaadaan oo dhalinta waxbaratay loo gaysto, lana doonayo in Shacabku ku sheekeeysto laguna kiciyo, mana aha wax ay Shabaab shaqo ku leeyihiin waa rag lacag sita dana qaas ahna leh isticmaalayana Siyaasiyiin u badan Xildhibaanno & gacan ku dhiiglayaal ay xitaa rag Askarta Ciidammada ahi ku jiraan ku Maalgelinaya si Shacabku Dowladda ugu kaco.
 
WAXAAN SHEEKADAAN U SOO QAATAY WAA SHEEKO AAN XUSUUSTO SHAQSI AHAANA IGU DHACDAY KANA MID AH HABKA DADKA LOO KICIYO.
 
WAXAAN U SHEEGAYAA KUWA HADDA DOONAYA INAY SHACABKA HABKA NOOCAAS AH U KICIYAAN KA DAAYA SHACABKA KICINTA IDINKOO SIYAASAD U DILAAYA DHALINYARO AAN WAXBA GALABSAN.

Mustafa Salad Awale


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment