579 Views

Bush oo ka digay weeraro argagixiso oo ka dhaca Mareykanka.

Bush oo ka digay weeraro argagixiso oo ka dhaca Mareykanka.
____________________________________________________________________________

Sabti: September 11, 2021

 Madaxweynihii hore ee Maraykanka, George W. Bush, ayaa sheegay in ay muuqato in ururada argagixisada ah ee ka jira gudaha dalkaas ay u khatar badan yihiin sida kuwa dibedda.

Bush oo ka hadlayay munaasabadda sanad-guuradii labaatanaad ee weerarradii ay Al-Qaacida ku qaaday Maraykanka, ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa inay ka hortagaan “rabshadaha ku uruursan gudaha.”

Inkastoo aanu carrabaabin, ayaa haddana madaxweynaha hore waxa uu u muuqday mid cambaareynaya weerarkii ay taageerayaasha Trump horraantii sanadkan ku qaadeen dhismaha baarlamaanka.

George W. Bush ayaa sheegay in aanay waxba ku kala duwaneyn argagixisadii fulisay 9/11 iyo kooxaha xagjirka Maraykanka ah oo ku sugan gudaha waddankaas.

“Labaduba waxa ay ka siman yihiin inay diiddan yihiin kala duwanaanta iyo karaamada bani’aadanka, waxaana ka go’an inay wasakheeyaan astaamaha qaranka. Waa ubadka ka dhashay xumaan oo ay tahay in aan ka hortagno,” ayuu yiri Bush.

Madaxweynaha hore oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Maraykanka xukumayay markii ay dhacayeen weerarradii 9/11.

Waxa uu si qoto dheer uga warramaya xaaladdii adkeyd ee uu xilligaas wajahay iyo argagixii laga qaaday falkaas ay ku naf waayeen ku dhawaad 3,000 oo qof.

BBC SOMALI

Tahliil.Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post