1638 Views

M/weynaha Kenya oo laga dalbaday inuu wax ka qabto dhibaatada ciidankiisa ka geystaan Soomaaliya

M/weynaha Kenya oo laga dalbaday inuu wax ka qabto dhibaatada ciidankiisa ka geystaan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Sebteembar 30, 2018 —Siyaasiga Faarax Macalin ayaa sheegay ciidanka dowladda Kenya ee aan qeybta ka aheyn hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM inay dhibaatooyin kala duwan ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay kordheen dilalka iyo gabood falada ay Soomaaliya ka geystaan ciidanka Kenya, wuxuu tusaalo ahaan u soo qaatay dhawr dhacdo oo ciidanka Kenya ay ku dhibaateeyeen dad rayid ah oo ku sugnaa degaano ku dhaw xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagan.

Faarax Macalin ayaa sheegay dhibaatooyinka ay geystaan ciidanka Kenya in sidoo kale ay qeyb ka tahay inay burburiyeen xarumo isgaarsiineed, isaga oo tilmaamay in ilaa hadda aanay jirin cid arrimahaasi wax ka qabatay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayuu ka dalbaday inuu qaado talaabo uu wax kaga qabanayo dhibaatada ay wadaan ciidankiisa, islamarkaana uu magdhow ka bixiyo dhibaatada ciidanka Kenya ay u geysteen rayidka.

Ciidanka Kenya ee sugan Soomaaliya gaar ahaan dhanka xuduuda ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay geysteen dhawr dhacdo oo ay ku dileen rayid, islamarkaana ay ku gubeen shirkado isgaarsiineed, weli ma jirto cid kula xisaabtantay.

 

k1

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment