1158 Views

Britain iyo Yurub oo cambaareeyey weerarada dhanka internetka oo dowladda Shiinaha lagu eedeeyay

Britain iyo  Yurub oo  cambaareeyey weerarada dhanka internetka oo dowladda Shiinaha lagu eedeeyay
____________________________________________________________________________

Isniin: july 19 2021

Britain iyo Midowga Yurub ayaa cambaareeyey weerarada dhanka internetka ee ay sheegeen inay geysteen buracdda Internetka ee ay taageerayaan dowladda Shiinaha.

Xafiiska arrimaha dibedda ee Ingiriiska ayaa sheegay in weeraradii lagu qaaday shirkada Microsoft horraantii sannadkan ay saamayn ku yeesheen adeeg ka badan rubuc milyan adduunka oo dhan.

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain, Dominic Raab, ayaa tallaabadan ku tilmaamay inay tahay habdhaqan taxaddar la’aan ah.

Waxa uu sheegay in Shiinaha ay qasab ku tahay inay soo afjaraan waxa uu ugu yeeray khalkhal gelinta internetka ee maladahan, isagoo uga digay in haddii uu joojin weyo uu wajihi donto la xisaabtan adag.

Dhanka kale Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, Josep Borell, ayaa magacaabay laba koox oo ah buracadda jabsata internet-ka, kuwaasi oo fadhigoodu yahay Shiinaha.

Borell ayaa xukuumadda Beijing ugu baaqay in ay u hoggaansanto qawaaniinta Qaramada midoobay ee dowladnimada hase yeeshee waxa uu ka gaabsaday inuu si toos ah ula xiriiriyo Shiinaha.

Cunaqabateyntii sanadkii hore uu Midowga Yurub saaray shirkadaha Shiinaha, Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ee looga shakisan yahay jabssadaha Internet-ka ayaa la kordhiyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post