420 Views

Raysal wasaarihii hore ee Maleysiya Malaysiya Najib Razak oo lagu xukumay labo iyo toban sano oo xarig ah

Raysal wasaarihii hore ee Maleysiya Malaysiya  Najib Razak  oo lagu xukumay labo iyo toban sano oo xarig ah
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 23, 2022

Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysiya, Najib Razak, ayaa wajahaya labo iyo toban sano oo xabsi ah, ka dib markii uu ku guuldareystay racfaankii ugu dambeeyay ee uu ka qaatay dambiyada la xiriira musuqmaasuq ee laguso eedeeyay.

Waxa si toos ah looga soo galbiyay qolka maxkamada oo xabsiga loogu taxaabay waxana lagu helay xatooyo ka dhacday sanduuqa maalgashiga dawlada.

Balaayiin doolar oo la rabay in lagu kaabo kobaca dhaqaalaha Malaysia ayaa la xaday, taasoo ka mid ah fadeexadaha maaliyadeed ee ugu waa weyn adduunka.

Mr Najib waxa la xukumay laba sano ka hor laakiin xiligaasi lama xirin maadama uu racfaan qaatay.

Najiib Razak oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kiiskiisa si cadaaladda waafaqsan aan loo wajihin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post