2349 Views

Ciidanka AMISOM Oo Cabasho Ka Gudbiyay Xildhibaannada G.Shacabka

Ciidanka AMISOM Oo Cabasho Ka Gudbiyay Xildhibaannada G.Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 –Ciidamada AMISOM ee ilaaliya Golaha shacabka Soomaaliya ayaa cabasho ka gudbiyay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka ee taga xarunta Golaha ku leeyahay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ee ilaaliya Dhismaha Golaha shacabka ay mushkilad kala kulmaan Xildhibaannada Golaha shacabka ee dhismaha gelaya.

Ciidamada ayaa ka cabanaya Xildhibaannada qaar oo aan oggoleyn baaritaanka marka ay gelayaan xarunta sidoo kale,kuwo qaar ayaa diida in Ciidamada AMISOM ay tusaan kaararka aqoonsiga ah ee ay wataan.

Xildhibaan Xuseen waxaa uu sheegay in Guddigooda ay soo gaartay Cabashada Ciidamada AMISOM ee la xiriirta xiriir xumida Xildhibaannad qaar kula kacayaan Ciidamada amaanka sugaya.

Xildhibaanka ayaa xildhibaannada laga cabanayo ka dalbaday in ay maraan baaritaanka sida Scan-ka oo ay qaarkood diidaan in ay maraan,waxaana uu sidoo kale ugu baaqay in ay u hoggaansamaan sharciga amni xaqiijinta dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment