987 Views

Amar kasoo baxay Somaliland oo Maanta dhaqan galaya

Amar kasoo baxay Somaliland oo Maanta dhaqan galaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 26 2020–Khamiistii la soo dhaafay ayaa Soomaaliland waxaa ay ku dhawaaqday in si KMG ah deegaannadeeda uga joojisay jaadkii (qaadkii) uga imaan jiray dalka Itoobiya.

 

Maanta oo ku beegan 26-4-2020 ayaa la filayaa in deegaannada Somaliland uu ka dhaqan galo Amarkaas ku socday Ganacsatada kala duwan ee jaadka ku iibiya Magaalooyinka Soomaaliland.

 

 

 

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in muddo 25 maalmood ah la hakiyey keenista qaadka,isla markaana ciddii lagu arkaa tallaabo laga qaadi doono.

 

Go’aan ay Somaalilan ku joojineyso jaadka oo ah markii ugu horeysay ayaa waxaa ay ku sheegeen tallaabo ay uga hortagayaan Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment