156 Views

Redwan Hussain “Itoobiya ma noolaan karto haddii aysan helin marin biyoodkan”.

Redwan Hussain “Itoobiya ma noolaan karto haddii aysan helin marin biyoodkan”.
____________________________________________________________________________

Addis Ababa  – Dowladda Itoobiya oo war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland ayaa soo bandhigtay qiil yaableh oo ay ku dooneyso inay ku qabsato biyaha Soomaaliyeed.

Redwan Hussain oo ah la-taliyaha amniga ee Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay wax kasta ku bixineyso inay hesho marin biyood, kaas oo uu tilmaamay inuu muhiim u noqon doono malaayinka qof ee Itoobiyaanka ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Itoobiyaanka aysan sii noolaan karin haddii aysan helin marin biyoodka haatan loo saxiixay, sida uu ku dooday.

“Itoobiya ma noolaan karto haddii aysan helin marin biyoodkan, waa muhiimadda koowaad ee badbaadadeenna, sidoo kalena waxay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa nabadda iyo amniga gobolka. Ma dhayalsan karno arrintan,” ayuu yiri Ambassador Redwan Hussain.

Wxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu marin biyoodkaas haddii ay helaan inuu ka qayb-qaadan doono horumarka dhaqaalaha iyo bulshada Itoobiya, isla markaana aysan cidna waxyeello u geysaneyn.

Ujeedkooda waxa uu tilmaamay in uusan ahayn inay qabsadaan dhul badeed ee ay tahay kiro uun, sid ay fursad u hesho dowladda Itoobiya.

“Ma ahan inaan qabsaneyno dhul cid kale leedahay waxaan kaliya kiraysaneynaa dhul sida qof kasta oo jooga Somaliland, annaga ma ahaanee. Waxaa jira dalal horey u lahaa saldhigyo, kuwa kalena safka ayey ugu jiraan inay helaan marin biyood” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Itoobiya ay wajaheysa culeys la xiriira heshiiska ay la gashay Somaliland, waxayse u muuqatai in aysan dhag jalaq u siineyn baaqyada caalamiga ah ee la xiriira xad-gudubka ay Soomaaliya kula kacday, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay muujisay sida ay uga go’an tahay difaaca madax-banaanideeda.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia, iyada oo taageero caalami ah u heshay difaaca dhulkeeda, kadib markii ay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Axmed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post