1647 Views

Baarlamaanka Puntland oo doortay 11 kursi ee Puntland ku matalaya Aqalka Sare

Baarlamaanka Puntland oo doortay 11 kursi ee Puntland ku matalaya Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 11, 2021 —Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland waxaa Maanta oo Arbaco ah ka dhacday doorashada Xildhibaannada Aqalka sare ee Puntland ku matalaya dowladda Federaalka, waxaana la dooray dhamaan 11 kursi ay Puntland ku leedahay Aqalka Sare.

22 Xubnood ayaa Madaxweynaha Puntland uu soo gudbiyay inay ku tartamayaan 11 kursi ee Aqalka sare, hayeeshee waxaa tartan kaliya lagu galay kursigii ugu horreeyay oo ay ku tartameen Cabdiraxmaan faroole & Maxamed Cusmaan Colaad, halka 10 kursi oo kale Xubnaha ku guuleystay ay tartanka ka hareen Xubnihii la tartami lahaay.

Kursiga koowaad oo lagu tartamay ayaa waxaa ku guuleystay Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo helay 54 cod, halka Musharax Senator Maxamed Cusmaan Colaad uu helay 11 cod.

Kursiga labaad waxaa ku guuleystay  Maxamed Cali Yuusuf ( Gaagaab) , kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen, halka Musharaxii kale ee Kowsar Cabdullaahi Xirsi ka tanaasushay.

Kursiga Saddexaad waxaa ku guuleystay  Maxamed Cabdi Cismaan ( Majiino) oo sidoo kale ah wasiirka Dekadaha Puntland kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen, halka Musharaxii kale Maxamed Geeddi Maxamuud uu tanaasulay.

Kursiga Afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullahi Cali Xirsi ( Tima-cadde) oo ah wasiirka Warfaafinta Puntland kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ugu codeyen, halka Musharaxii kale Cabdullahi Maxamed Xaashi uu ka haray tartanka.

Kursiga Shanaad a waxaa ku guuleystay Cabdisamad Yuusuf Maxamed ( Abwaan)  oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Gobolka Bari, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen, halka Musharaxii kale ee  Ismaaciil Mire Muumin uu ka haray tartanka.

Kursiga Lixaad  ee Aqalka sare ayaa waxaa ku guuleystay Ganacsade Daahir Ayaanle Siciid, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ugu codeeyeen, halka Musharaixii kale Maxamed Cumar Maxamed uu tartanka ka tanaasulay.

Kursiga Totobaad ayaa waxaa ku guuleystay Farxaan Cali Xuseen oo horay kursigan ugu fadhiyay, kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen, halka Musharixii kale Hodan Isaaq Maxamed ay ka haray tartanka.

Kursiga Sideedaad ayaa waxaa ku guuleysatay Seynab Ismaaciil Maxamed oo sidoo kale ah Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka iyo Beeraha Puntland kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa ay noqtay Haweeneydiii ugu horreeysay ee Aqalka sare loogu doorto garoowe, halka Musharaxii kale ee  Aamiina Jaamac Ibraahim ay ka haray tartanka.

Kursiga Sagaalaad ayaa waxaa ku tartamay Cabdiqani Geelle Maxamuud & Cabduqaadir Maxamed Yuusuf, waxaana 52 Cod ku guuleystay Cabdiqani Geelle Maxamuud halka Cabduqaadir Maxamed Yuusuf uu helay 12 Cod.

Kursiga Tobanaad ayaa waxaa ku guuleystay Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad oo cod gacan-taag ah ku heshay 64 Cod, kaddib markii ay u tanaasushey Naciima Axmed oo la tartami laheyd.

Kursiga ugu dambeeya ee aqalka Sare ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Sareedo Maxamed Jaamac, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa ay noqtay Senatorkii 11aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Fartuun Yusuf Jaamac ay ka haray tartanka.

Maalinta Berito ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada lix Kursi oo kamid ah aqalka sare, waxaana Maamulka Galmudug uu noqonayaa Maamulkii Afaraad ee qabta doorashada Aqalka sare.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post