930 Views

Dagaalyahadana Xamaas oo dagaal xoogan kula jira Ciidamada Israa’iil oo ‘ogolaaday’ in xabadda la joojiyo

Dagaalyahadana  Xamaas oo dagaal xoogan kula jira Ciidamada Israa’iil oo ‘ogolaaday’ in xabadda la joojiyo
____________________________________________________________________________

May 16 2021

Ururka Xamaas ayaa lagu soo warramayaa in uu ogolaaday in heshiis xabad joojin ah laga gaaro dagaalka haatan ka socda halkaas.

Waxaana arrintani garwadeen ka ah dhexdhexaadiyaal ka soo jeedo Masar.

Israa’iil waxay ku gacan seyrtay arrinta ku aadan in heshiis xabad joojin la gaaro.

Siyaasi ka soo jeedo Israa’iil Naftali Bennett ayaa BBC u sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto weerarka ka dhanka ah Xamaas tan iyo inta laga soo afjarayo hadafkii laga lahaa duqeynta Qaza.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa maalinkii toddobaad duqeymo ka wadaa marinka Qaza.

Sidoo kale Israa’iil waxay duqeymo ka geysatay guriga hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Al Sinwar halkaas oo kamid ah goobaha bartilmaameedka u ah.

Saraakiisha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in duqeymaha maanta oo Axad ah laga geystay marinka Qaza ay ku dhinteen 26 qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post